Jabaan iyo Sweden oo Barbaro ku Kala Tegey, Labadoodana u Gudbay Wareega Xiga ee Koobka Aduunka
Xulka qaranka Jabaan ayaa ku guuleystay inay xaqiijiyaan booskooda wareega 32-a ee tartanka Koobka Aduunka 2026, ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen xulka Sweden ciyaar adag oo khamiistii ku dhexmartay garoonka Dallas Stadium ee dalka Mareykanka.
Kulankan oo ahaa kii ugu dambeeyay ee Group F, ayaa go'aamiyay masiirka labada kooxood ee tartanka, iyadoo labada dhinacba ay muujiyeen taxadar weyn intii ay ciyaartu socotay.
Qeybta hore ee ciyaarta waxay ahayd mid degan oo aysan badnayn fursadaha goolal loo filan karo, balse Jabaan ayaa u muuqatay kooxda isbeddelka la timid oo si tartiib-tartiib ah u la wareegtay maamulka kubadda.
Dadaalkii Jabaan ayaa dhalay natiijo bilowgii qeybta labaad, markii uu ciyaaryahan Daizen Maeda shabaqa u helay gool qurux badan daqiiqaddii 56-aad, taasi oo naxdin ku riday taageerayaasha Sweden.
Jawaabta Sweden iyo Saamaynta Natiijada
Si kastaba ha ahaatee, dabaaldega Jabaan ma uusan sii raagin, sababtoo i Sweden ay si degdeg ah u raddisay. Anthony Elanga, oo muujiyay qaab ciyaareed cajiib ah tartankan, ayaa ciyaarta barbareeyay daqiiqaddii 62-aad ka dib markii uu darbad xoogan dhaafiyay goolhayaha Jabaan, Zion Suzuki. Inkastoo labada tababare ay isbeddelo ku sameeyeen safka hore si ay guusha u hantiyaan, haddana ciyaartu waxay ku soo dhamaatay dhibicdaas ay ku qaybsadeen.
Natiijadan waxay ka dhigan tahay in Jabaan ay ku dhameysatay booska labaad ee Group F, iyadoo wareega xiga la ciyaari doonta xulka xoogan ee Brazil. Dhanka kale, Sweden ayaa gashay kaalinta saddexaad, balse waxaa la filayaa inay u soo gudubto wareega xiga iyadoo ka mid ah kooxaha ugu dhibcaha badan ee kaalinta saddexaad ku dhameysta, waxayna u badantahay inay wajihi doonaan xulka France.
0 Comments